Wasiiro katirsan Puntland oo hortagay baarlamaanka maamulkaasi

0

Xubno kamid ah Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa maanta hortagay Baarlamaanka Maamulkaasi,sida ay sheegayaan wararka Puntland inaga soo gaaraya.
Wasiiradda loo yeeray waxaa ka mid ah Arrimaha gudaha, Amniga, Cadaaladda iyo Dastuurka kuwaasoo ka war bixinaya waxa u qabsoomay iyo sida ay shaqadoodu u socoto.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay marka ay dhamaystaan war bixinadooda inay wax ka waydiin doonaan shaqooyinka ay hayaan oo qaarkood dhaliilo laga muujiyay.

Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore ayaa khudbadda uu ka hor jeediyay Baarlamaanka waxa uu ka sheegay inay wax muuqda ka qabteen amniga iyo la-dagalanka Al-Shabab, ayna ka go’an tahay sidii loosii xoojin lahaa Amniga guud ee Puntland.

Sidoo kale Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa su’aalo ka waydiinaya Amniga Taliyaha Ciidanka Booliska Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf, iyo saraakiil kale