Maqaal: MAXAA KUDHAA KA DHACAY?. WAX BADAN KA OGOW HALKAN.

0

Degaanka Jubbada hoose 1991 wuxuu ahaa goob sal u ah is haysashada Somalai… Weli cid si gaar ah ugu guulaysatay ma jirin… mana jirin doonto koox ama qabiil si gaar ah ugu naaloon kara inay Jubada hoose noqoto meel koox ama qabiil si gaar ah uga taliyo.

Dadka degaanku waa caraysan yihiin.. Waa ciil qabaan.. Caro badan ayaa ku biirtay.. kuma faraxsan sida ay wax u socdaan… Dadka degaanku waa dadka degaanka…. Ka hadli-maayo kooxa qabsaday……

Maxay uga kala duwan yihiin kooxa hadba mar qabsanaya Jubbada hoose kuwaas oo aan u kala duwanayn…. Weliba waxay arrimuhu ka sii murgayaan kuwa doonaya inay wax walba xoog ku qaataan…… Waa muuqataa riwaayadii ahayd Kablalaxaynta inay dhamaatay……

Waxa ka dhacay Kudhaa waxay astaan u tahay in dadka degaanka Jubbada hoose ku kala aragti duwan yihiin sida wax uga socdaan degaankaas.. dagaalka waxaa hogaamiya siyaasada… Haddii siyaasadu fashilantahay dhaqaalha iyo dagaalkaba waa lagu fashilmaa ….

Waa la soo gudbay waqtigii Gen. Morgan Col ina Cumar Jees, waa la ilaaway Isbahaysigii Doox-Jubba … Maalmihii Maxkamadaha waa la soo dhaafay…… Raskambooniyiintii iyo Caanoole dib looma arko … Xisbul Islaam hadal qaadkiisii ma la maqlo. Abubakar Al Saylici iyo Xukunkii uu sida gaarka ah uga samaysanayey Kismaayo taas waxaa diiday oo ka hor yimid Al-shabab…. Ciidamada Kenya ayaa Shabaab ka saaray Kismaayo……Ras Kambooniyiinta Axmed Madobe waxay ahaayeen kuwa Kenyaanka…..

Kismaayo waa ceel dad liqa. Waa meel indho badan eeganayaan….. Axmed Madabe miyaa ku sirmaya oo ka dhigan kara hoy oo uu si gaar ah u leeyahay ma lacagta dekeda ayaa lagu eegan karaa in xawaalada Kaah si gaar ah loogu shubo…. Ma xubnaha ka yimid Kiilka Shanaad ayaa maamulkeeda la wareegi kara…. Ma laha indhaha reer waamoodka ayaa sidaas laga gartay……

Waxa ka dhacay Kudhaa waxay sal u tahay in Kismaayo faraha ka baxdo…. Goobaale iyo Hiiraale maanta ma joogaan Kismaayo… Beri ma joogi doonaan hebelka iyo hebelka maanta …. Dadka degaanka dhibaatada ku haya ….

Markuu waagu baryo ninkii cari lahaayoow …. Hadda ka feker inaadan cararin… Ciidamada Amisom waa isaga dhex bixi doonaa Somalida awooda Jubooyinka isku haysata…….

Abdishakuur-Mire-Aden-W/Q : Qoraaga buuga Kobocii Islaamiyiinta ahna wasiir hore ee Puntland

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com