FAALLO: Madaxooy, Labada orod mid daaya !!!

0

Waa dhacdo goob joog loo soo wada ahaa sanado badan, sidaa daraadeed Shacabku xiisa uma qabaan lamana yaabana xiligaan sida wax u socdaan waayoo wey soo arki jireen weyna ka dharagesan yihiin ujeedka iyo halka loo socdo ama ay ku danbeyn doonto sheekadu, balse waxa kaliya ee ay is weysiinayaan waa:- Maxaa Madaxdeena isku dabeecad ka dhigay,? Miyaa marka hore la isku qasbaa wada shaqeyntooda.? Xagee laga soo magacaabaa Reysal-Wasaaraha.? Iyo Madaxdeenu la dirir mooyee la shaqee miyaaneey aqoon.? Dabcan Weli jawaabo la taaban karo looma hayo weydiimahaasi.

Tan kale Malaha hadii Madaxdeena dhiigooda la wada baari lahaa waxaa suurtagal noqon laheyd in ay isku nooc wada noqon lahaayeen balse nasiib daro lama baarin, mid walibana waxa uu noola yimaadaa ama nooga tagaa calaamado u eg raadadka kii ka horeeyay, welina waa ay socotaa dabeecadda ah MA WADA SHAQEYN KARNO.!!

Waxaase doorkan Cajiib ah in ay bulshadu ka gudubtay ka hadalka waxa ay Madaxdu isku khilaaftay ayna taa badalkeeda baararka iyo Maqaaxiyaha shaaha lagu cabo ku xisaabinayaan marka Madaxweynuhu soo xulanayo Reysal wasaare la shaqeeya iyo sanad ka dib marka ay is qabtaan ama marka Reysal wasaaraha loo qabto Xafladiisa Magacaabista, iyo marka uu sanad jirsado ee la is qaniino, dhaqaalaha ay ku kala bixiyaan Madaxdu labadaa marxaladood ee kala dareenka duwan kalana dadaalka badan, , iyo weliba waqtiga qaaligaa ee ay ku lumiyaan, inkastoo qiyaas ahaan ay aad u kala sareeyaan hadana waxaa la isku raacsan yahay in tan danbe lagu lumiyo dhaqaale aad u fara badan oo aan markii hore laga fikirin baajintiisa.

Hadiise waqtiyadii hore marka la maqlo khilaafka ka dhex jira Madaxda Sare ee dalka durbadiiba loo kala fasiran jiray siyaabo kala duwan taasi hada meesha waa ay ka baxday ka dib markii uu Xildhibaan xog ogaal ah oo ka mid ahaa aqoonyahanadii wax ka soo diyaariyay Dastuurka KMG ah, uu dhawaan si cad u sheegay in markii horeba diyaarinta Dastuurka loogu talagalay in ay is qabtaan Madaxda Sare ee dalku waayoo ayuu yiri waxaa laga cabsaday in ay yimaadaan Madax is fahamsan oo boobta hantida iyo awoodda dalka xiliga KMG ah.sheekadaana wey socon doontaa Inta laga gaarayo Doorasho xor ah oo dalka ka dhacda oo lagu soo doorto Madaxda Dalka. Runtii markii aan maqlay hadalkaa qudheyda wax badan oo ku aadan khilaafka Madaxda Sare ayaa iska keey badalay .

Haa, waan garowsaday hadalkaa waayoo waxaan xasuustay in hadaba iyagoo Madaxdeenu aaneey aqoon badan isku laheyn lagana yaabo in ay kala baqayaan in hadana markasta la sheeg sheego in la musuq maasuqo deeqaha iyo dhaqaalaha Caalamku noogu yabooho, maxaad u maleyn laheyd marka hadii koox istaqaana ama is fahamsani ay gacanta ku dhigi laheyd talada dalka xiliyadan KMG ah,waxaaa hubanti ah in ay na soo gaari laheyd jug ka culus midda hada na gaartay.Dhanka kalese waa fariin ayaan dara ah oo muujinaysa in waqtigii ku haboonaa Madaxda Soomaaliyeed lagu aamini waayay samata bixinta dadkooda iyo dalkooda bur buray.

Inkastoo hada la hadal hayo in uu khilaafku faraha la galay qorshaha loo sameeyay in lagu gaaro Siyaasadda 2016-ka taasoo labada oday ay isku fahmi waayeen maadaama aaneey isku meel u wada socon, hadana Siyaasad ahaan waxa ay Madaxweynaha ku noqon doontaa wajigabax iyo in uu laba Sano gudahood la shaqeyn waayay labo Reysal Wasaare, waxaaba suurtagal ah in ay beesha Caalamku gabi ahaanba ka aamin baxaan Madaxda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa iminka talada dalka heya,sidaas oo ay tahayna waxaa la leeyahay hadana waa uu ku qasban yahay in uu is dhaafiyo Reysal Wasaaraha iyadoo sida muuqata loo mari doono codka Baarlamaanka, si ay isaga iyo saaxiibadii sameyn weyn ugu yeeshaan talada dalka wixii ka danbeeya 2016-ka, waxaanse la dafiri Karin in uu halkaa ku lumi doono waqti badan oo la qaban lahaa howlo muhiim u ah dalka iyo dadkaba.

 

Ugu danbeyntii, iyadoo doorkan laga faa’ideysanayo waaya aragnimadii la soo maray miyaaneey ku habooneyn in ay Madaxdeenu labada orod mid daayaan, sida orodka iyo xiisaha ay marka hore isugu soo xushaan xilalka sar sare ee dalka oo la doonayay in ay si dhow oo hufan u wada shaqeeyaan iyo orodka danbe oo ah in la maqlo Sanad ka dib xurguf iyo xanaaq xarga gooys ah oo dhex yaala Xafiisyada Madaxda sare, Waayoo Ma aha labo is qabata ama la jecleysan karo in sanad walba la caadeysto muran Madaxeed joogta ah oo ka bilowdo dano gaar ahaaneed kuna dhamaada codka Baarlamaanka .

DH A M A A D

dulyarW/Q:- Abdulkadir Dulyar

dulyar23@gmail.com

MogadishO, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com