FAAH FAAHIn:- Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay degmada Jalalaqsi

0

Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab,waxaana Dagaalka uu yimid ka dib markii Al-shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Degmada.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabulle Fiidow ayaa Warbaahinta u sheegay in Dagaalka uu jiro laakiin Al-shabaab ay meel ka Fog Magaalada ay Hoobiyaal ka soo Tuureen,isagoona intaa raaciyay in uu san jirin Dagaal Fool ka Fool ah.

Warar Madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen Gudaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolkaasi Hiiraan.inkastoo Gudoomiyaha Degmada uu sheegay in uu san jirin dagaal Fool ka Fool ah.

Ilaa hada lama Oga Khasaaraha Dagaalka Xalay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.