Dhageyso: Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Dhaqatiirti Degmada Garbahaarey Ee La Afduubay….

0

Garbahaarey, AGGM: Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo ayaa ka hadlay Afduub maalin ka hor gobalkaasi loogu geystay dhaqaatiir la sheegay in ay ka shaqeynayeen gudaha degmada Garbahaareey oo xarun u ah gobalkaasi.

Korneel Cismaan Xaaji oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo, ayaa u sheegay warbaahinta gudaha dalka, in dhaqaatiirtaan ay qafaasheen Al-shabaab islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay kusoo dayn lahaayeen.

Waxa uu sheegay Korneelka in Al-shabaab ay ka war hayaan dadka ay qafaasheen inay yihiin shacab, waliba dhaqaatiir umadda wax u taraysay, hase ahaatee ay si cad u afduubteen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhaqaatiirtaan ayaa ka howlgalayay Isbitaalka Magaalada Garbahaareey, waxaana ku jiray agaasimaha Isbitaalka degmadaasi Aadan Goomeey, xilli ay ka yimaadeen Siminaar loogu qabtay magaalada Mandheera iyaga oo u gacan galay Xarakada Al-shabaab xilli ay marayeen deegaan lagu magacaabo Cari Case oo u dhaxeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com