Dhageyso: Gudoomiye Jawaari “Waxaan Ku Guuleysanay In Xildhibaanada Ay U Guntadaan In Xal Loo Raadiyo Khilaafka”…

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheikh Cismaan Jawaaro oo ay waheliyaan Kuxigeenadiisa ayaa Caawa Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka,waxaana uu ku Faah fahiyay Kulan uu maanta la qaatay Xildhibaanada kala taageersan Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda.

Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”ayaa sheegay in Xildhibaanada Mooshinka keenay uu kala hadlay in ay Joojiyaan oo ay Xalka Khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wax ka raadiyaan,waxaana uu sheegay in ay ka Aqbaleen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in la Joojiyay Mooshinkii Xukumadda laga keenay,taa badalkeedana Baarlamaanka Soomaaliya uu ka qeyb qaadanayo Dhameynta Khilaafka Labada Mas’uul.

Xidhibaano kala Taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta la Kulmay Gudoonka Sare ee Baarlamaanka,iyadoona Gudoomiyaha uu sheegay in Kulamadaasi ay Guul ku soo dhamaadeen.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Shirka Jaraaid…….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com