Al shabaab oo lacag la.aan u kala tagay {Cadeymo}

0

Qabashadii dhawaan xeebaha Soomaaliya lagu qabtay hubka sharci-darrada ah waxa ay muujinaysaa awoodda isa soo taraysa ee ay xukuumaddu u yeelatay in ay ku maareeyso ammaanka badaha, sida ay sheegayaan falanqeeyayaashu, laakiin waxay sidoo kale iftiiminaysaa baahida loo qabo qaabab kale oo ka wax-ku-oolsan oo lagu wiiqi karo galaangalka al-Shabaab u leedahay hubka iyo lacagta.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa qabtay shixnad ku jirta kontaynar oo ka kooban hub iyo walxaha qarxa 28-kii October, maalmo kadib markii uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu ansixiyay qaraar oggolaanaya in la baaro lana qabto maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya ee looga shakiyo in ay sidaan agabyada mamnuuca ah.
Sida uu qabo qaraarkani, dawladaha iyo shuraakada gobolku waxay baari karaan maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya iyo badweynta marka ay jiraan “sababo looqaateen ah” oo looga shakiyi karo in ay sidaan hub ama dhuxul sharci darro ah, taasoo ah isha ugu muhiimsan ee ay xagjriinta al-Shabaab ka helaan lacagta.
Inkasta oo ay jirto xayiraad caalami ah oo lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha, haddana ganacsigaas sharci-darrada ahi waa uu koray, iyaga oo ay al-Shabaab ku haysato ku dhawaad saddex meelood hal meel oo ganacsi sannadeedku qaddarkiisu yahay $250 milyan, sida lagu sheegay warbxin ka soo baxday Kooxda Ilaada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea bishii June.
“Dhuxushu waa tan ay ku nooshahay al-Shabaab,” ayuu yiri Danjiraha Ingiriiska ee Qaramada Midoobay Mark Lyall Grant kadib markii la ansixiyay qaraarka 24-kii October.
Grant waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu warqad u soo diray Golaha Ammaanka 8-dii October, taasoo uu ku codsaday gargaar. “Maanta waan ka jawaabnay codsigaas gargaar dalabka ah,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo carrabka ku adkeeyay in nuxurka qaraarku ahaa la-dagaallanka al-Shabaab.
Qaraarka oo taageero la mahadiyo uga dhigan hay’adaha ammaanka Soomaaliya
Haya’daha ammaanka Soomaaliya wali awood uma laha ilaalinta iyo xakameeynta dhammaan gaadiidka badaha ee u sii jeeda dekedaha ay gacanta ku hayaan waxayna hadda isticmaali karaan taageeradan ka timid shuraakada caalamiga ah, ayuu yiri Korneeyl Shariif Xuseen Rooboow oo ah howlgab ka tirsanaan jiray nabad-sugidda tailskii Maxamad Siyaad Barre.
Rooboow waxa uu ku ammaanay xukuumadda qabashadii konteeynarkii koontarabaanka ahaa ee hubka iyo qaraxyada siday ee lagu qabtay Dekedda Muqdisho bishii hore, laakiin waxa uu sheegay in ay jiraan shixnado badan oo dheeri ah oo iyada oo aan la ogeeyn iska gudba.
“Hubkaan iyo waxyaaba mamnuuca ah oo dhan soo galitaankoodu waxa ay ku xiranyihiin awoodda ay dowladdu u leedahay [istaajin tooda],” ayuu yiri.
Xilligan, ammaanka dekedaha Soomaaliya waa daciif sababtoo ah shaqaalaha oo aan is munaasib ah u tababarneeyn iyo askarta oo aan niyad heeyn sababtoo ah si joogto ah mushaarkooda looma siiyo isla markaana si adag looma muraaqabeeyo, ayuu sheegay Rooboow.
Si kastaba ha ahaatee qaraarka QM waxa uu shuraakada caalamiga ah ee Soomaaliya gacan ka siin doonaa joojinta qulqulka hubka sharci-darrada ah ee soo galaya Soomaaliya, ayuu sheegay. Waxa uu sidoo kale gacan ka gaysan karaa joojinta dhoofinta dhuxusha, oo ah il dakhli oo aad muhiim ugu ah al-Shabaab.
“Lacagaha hababka ay u helaan waxaa kamid ah in ay canshuur ka qaataan ganacsatada duurka kasoo gurta dhuxusha,” ayuu yiri. “Labo, in ay iyagaba dhuxusha la dhoofinayo ay leeyihiin iyo tan seddexaad oo ah in ay ganacsatada waaweyn ee dhuxusha lacago ka qaataan iyaga oo cabsi galinaya.”
Daa’uud Cabdi Daa’uud, Xoghayaha Guud ee Saxaafadda Soomaaliya ee Deegaanka, Sayniska, Caafimaadka iyo Beeraha, oo ah urur aan macaash doon aheeyn oo u taagan ballaarinta iyo horumarinta kaalinta ay saxaafaddu ku leedahay qaddiyadaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin isbaddalka cimilada ilaa iyo amni-darrada rayidka, ayaa soo dhaweeyay baaritaanada ay shuraakada caalamiga ahi ka sameeynayaan xeebaha Soomaaliya.
“Waa arin fiican in tallaabo noocaas ah loo qaado joojinta dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, maxaa yeelay arintan waxa ay dhibaato lixaad leh ku haysaa shacabka Soomaaliyeed iyo deegaankaba,” ayuu Daa’uud yiri. “Jarista dhuxusha waxa ay Soomaaliya ku keentay in nabaad guur uu dhaco iyo in ugaarta ay isaga cararto dalka maadaama laga jarayo geedihi ay harsan lahaayeen.”
“Jaridda geeduhu waxay sidoo kale qayb weyn ka qaataan abaaraha iyo macluusha baahsan ee ka jirta Soomaaliya maxaa yeelay marka dhirta la xaalufiyo waxaa ka dhalanaya roob la’aan, taasoo ugu dambayntii keenaysa in abaaro ay dhacaan,” ayuu yiri.
“Markii ay dowladdu qabsatay Baraawe, waxa ay dhabar-jab ku noqotay dhaqaalaha al-Shabaab, maxaa yeelay malaayiinta doolar ee ay al-Shabaab ka helaysay dhuxusha waxa ay ka iman jirtay dhuxusha laga dhoofiyo dekedda Baraawe,” ayuu yiri Daa’uud.

Si kataba ha ahaatee warbixinteedii October, ayay Kooxda La-socoshada QM sheegtay in wax ka badan hal milyan oo jawaan oo dhuxul ah wali laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo bil walba, inkasata oo ay xukuumadda Soomaaliya la wareegtay maamulka Kismaayo 2012-kii.
“Maalin kasta dhuxul ayaa laga daabulaa dekeda Kismaayo,” ayuu yiri Cimsaan Cali Raage oo ah 28-jir culuunta siyaasadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho. “Sida aan ognahayna Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliyaba waa ay mamnuuceen ka ganacsiga dhuxusha, marka, maxaa looga hadli la’yahay arrintaa?”
Si guul looga gaaro jabinta al-Shabab, ayuu sheegay, xukuumadda federaalka Soomaaliya waa in ay xiriir kala sameeysaa maamullada gobollada iyo dawlad-goboleedyada in ay adkeeyan ammaanka dekedaha hoos yimaada maamulkooda oo ay dhaqan-galiyaan mamnuucidda dhuxusha “Taasi waxay u wanaagsan tahay degaanka iyo dadkaba,” ayuu yiri.

Isha: Sabahi Online