Top News: Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta Oo Heshiis Kala Saxiixday…

0

Abu dhabi, AGGM:Wasiirka gaashaandhigaa Xukuumadda Mudane Maxamed Sh,xasan Xaamud oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka carabta ayaa kulan la qatay Wasiirka arrimah dibadda Dowladda Imaaradka Mudane Sheikh Cabadalla Bin zayid Alla nahyaan habeenimadi xalay jimco 6-bishaan. 

Ugu horeyn Wasiir Xaamud ayaa warbixin ka siiyay wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka xaaladda dalku uu marayo dhinaca amaanka, siyaasada hormarka socda iyo dib uga soo kabashada sameyntii colaadahii ka jiriay mudadii la soo dhaafay, Wasiirka gaashaandhigga ayaa uga maghad celiye Dowladda imaaraadka taageerada jogtada ah oo ay la garab taagan tahay mar kasta.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ugu danbeyn waxay wada gaareen labada dowladadood hishiis iskaashi oo xagga gaashaan dhigga oo ay wada saxiixeen labada wasiir,

Kulanka waxaa goob jog ka ahaa dhanka dowlada imaaraadka kalaiyaha wasiirka arrimaha dibadda faaris al Mazruuci, dhanka soomaliya waxaa wehliye wasiirka gaashaandhigga safiirka dalkeena u fadhiya Imaaraadka carabta Mudane Cabdulqaadir shiikheey maxamed. 

uae1 uae

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com