Dhageyso: Dhaqaatiirti Degmooyinka Garbahaarey Iyo Buurdhuubo Oo La Afduubay..

0

Garbahaarey, AGGM:Wararka ka imaanaya Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Afduubteen Dhaqaatiir ka Howlgali jiray Isbitaalka Guud ee Gobolka Gedo oo ku yaala Magaalada Garbahaareey.

Gudoomiyaha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedi iimaan Cadoow Gaarshe ayaa sheegay in Dhaqaatiirta ay Tababaro ku soo qaateen Dalka Kenya islamarkaana Al-shabaab ay ka qafaasheen Meel u dhaw Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo,xili ay ku soo jeedeen Magaalada Garbahaareey.

Iimaan Cadoow Gaarshe ayaa sheegay in Dhaqaatiuirta Al-shabaab Afduubteen ay gaarayaan Saddex Dhaqtar oo ka howlgali jiray Isbitaalka Garbahaareey,waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan Warar sheegaya in uu ku jiro Dhaqtar ka Shaqeeya Isbitaalka Degmada Buurdhuubo oo Afar ka dhigaya Tirada.

“Al-shabaab ayaa Afduubtay Dhaqaatiirta waxaa ay u galeen Wadada u dhaxeeysa Degmoyinka Balad-xaawo iyo Garbahaareey,Ciidamada Amaanka ayaa ku raadjooga sidii ay u soo furan lahaayeen”ayuu yiri Iimaan Cadoow Gaarshe.
Dhanka kale Al-shabaab wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Dhaqaatiirta Soomaalidaa ee la sheegay in ay Afduubteen.

Isku soo wada duuboo afduubka dhaqaatiirtan ayaa waxaa lagu macneen karaa inay salka ku hayaan arimo  qorsheensan oo ka wayn falaagada Al shabaab, degmooyinka Garbahaarey iyo Buurdhuubo ayaa waxaa loogu talagalay inaysan ka hoowlgalin hay’adaha samafalka iyo kuwa adeega bulshada, waxaana la doonayaa in ay abid ahaadaan furimo go’adoon ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com