War Deg Deg Ah-Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo U Ambabaxay Dalka Itoobiya…

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay wadanka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa magaalada Adis’ababa uga qeeybgalaya shir madaxda wadamada IGAD ay ku yeelanayaan halkaasi, kaas oo looga hadlayo mushkiladda ka taagan dalka koofurta Sudan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa madaxweynaha ku sii sagootiyay gudoomiyaha baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo R/wasaraaha dalka mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweynaha ayaa hal maalin kusoo qaadanay magaalada Adis’ababa maadaama shirka madaxda IGAD loogu talagalay hal maalin oo kaliya.

Mahad Maxamad salaad  oo ka mid ah Wasiir Kuxigeenada Xukumadda ayaa Warbaahinta uga warbixiyay Safarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com