Dhageyso; Mooshinka Ka Dhanka Ah R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Gacanta Loo Gashay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya..

0

Muqdisho, AGGM;Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Mooshin ka dhanka ah Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo maanta loo gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in 140 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka kalsoonidda looga noqonayo ra’iisul-wasaaraha.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida uu sharcigu dhigayo waxaa laga filayaa inay mooshinkan hor-keenaan baarlamaanka si cod loogu qaadayo.

Xidlhibaannadan ayaa taageersan madaxweynaha Soomaaliya oo khilaaf weyn uu kala dhaxeeyo Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh.

Dhinaca kale Xidlhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Idaacada BBC u sheegay in Guddoonka ay gacanta u geliyeen mooshinkaasi, ayna saxiixeen 140 xildhibaan.

Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay maanta Kusimaha Madaxweynaha dalka, maadaama Madaxweynaha uu dalka ka maqan yahay, sidaasi awgedna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ay udhiibeen mooshinkaasi.

Isku soo wada duuboo Xildhibaankan ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeynayaan inay ku fashilantay arimo dhowr ah oo ku aadan siyaasada dalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Xidlhibaan Daahir Amiin Jeesoow


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com