Sawirro;Dalladda ururada PL ee Finland oo Xaflad soo dhaweyn ah u Sameysay Agaasimaha Hay,adda Daryeelka Arimaha Bulshadda ee PL.

0

Mohamed Abdirisak Dayib Gure oo ah Director of puntland Agency for Social Welfare(Agaasimaha Guud ee daryeelka Arimaha Bulshada) oo kulan la qaatay Jaaliyada reer Puntland ee wadanka Finland ,kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen Bulshada qaybaheeda kala Duwan Sida Aqoonyahanada Culimada Rag iyo Dumar iyo dhalinyarada qaybaheeda kala duwan iyadoo uu warbixino ka dhagaystay Wakiilka Dawlada Puntland ee wadanka FinlandCabdifataax Cabdulaahi Jaamac Janagale iyo Gudoomiyaha Midowga jaaliyadaha Puntland ee wadanka Finland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale iyo dhamaan waxgaradkii iyo aqoonyahanadii iyo odayaashii jaaliyada oo dhamaan kawada hadlay soona dhaweeyay Agaasime Mohamed Abdirisak Dayib Gure. oo ah Director of puntland Agency for Social Welfare (Agaasimaha Guud ee daryeelka Arimaha Bulshada) Xafladaas ayaa u dhacday si wanaagsan.


Agaasimaha ayaa  u mahad celiyey Wakiilka Puntland u fadhiya Finland Mudane Cabdifataax Cabdulaahi Jaamac Janagale iyo Dallada Midawga ururada Puntland ee Finland iyo dhamaan bulsho weynta puntland ee ku dhaqan Finland sidii sharafta laheed ee loo soo dhaweeyey sidoo kale wuxuu agaasimaha balanqaaday inuu ka warbixin doono wakiilka iyo dalladaba shaqada ay u hayaan shacabka reer puntland dalka gudihiisa iyo dibadiisaba .

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in si wanaagsan ay ugu soo dhamaadeen howlihii  shaqo u yimid Finland  sheegayna in balanqaadyo u fidiyeen hey’adihii uu la kulmay wadanka finland xiriir joogta ahna uu la sameyn doono  booqasho shaqona noogu imaan doono sanadka soo socda (insha Allaah)

Dhamaadkii xaflada ayaa Gudiga fulinta iyo Golaha dhexe Dallada  iska raacay in  xubno ka mid ah Dallada Midawga ururada Puntland ee Finland   booqdaan deegaanada puntland si halkaas ay u soo qiimeeyaan dhibaatooyinka jira kuwa u baahan in si deg deg ah  wax laga qabto, Dallada ayaa xareysay sanadkan mashaariic horumareed oo laga fulin doono sanadka soo socda deegaanada puntland.

Waxaad arkaysaa hormarka maamul iyo wax qabad ee dallada oo u socda si xawli ah tanoo la orankaro waxaa sababteeda leh midnimada iyo isku duubnida iyo khubarada aqoonta dheer u leh arimaha ururada oo hogaanka u haya.waxa ay heshay dalladu kasooni caalami ah ee midawga yurub iyo dowlada turkiga .

 Waxaa dhawaan macsuumad heer sare ah ka helay duqa magaalada istanbuul ee dalka Turkiga wakiilka iyo dallada midawga ururada puntland ee finland 12-18.11.2014
Dallada midawga jaaliyadaha puntland ee Finland oo ah horseedka hormarinta iyo midaynta bulshada soomaaliyed ee puntland ee ku nool dalkan Finlad.




Dallada Midawga ururada Puntland ee Finland  oo ay hogaan keeda iyo golaheeda fulintaba iyo golaha dhexaba ay yihiin dad masuul ah leh aqoon iyo khibrad shaqo gaar arimaha ururada la xariira ayaa waxay muu jiyeen wax qabad iyo firfircooni dheeraad ah oo ku dayasho Mudan .
 
Dallada Midawga Ururada Puntland ee Finland Yasin Ali