Dhageyso:Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM:Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa falaagada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaan u dhaxeeya deegaanka Buur-dhuubo iyo degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

Cali Bishaar oo ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka Buurdhuubo ayaa u sheegay warbaahinta gudaha dalka, in weerarka dagaalkaasi ay iyagu lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in waxyeelo ay soo gaarsiiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

In weerarkaan ay qaadaan ciidamada dowladda ayuu sheegay ka dib markii ay ka war heleen Al-shabaab in dad ay ku dhibayaan deegaanka la weeray lagu soo war geliyay, halkaasna ay iyaga la wareegeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hal askari ayuu ka dhawaajiyay in dhankooda uu ka dhaawacmay, Al-shabaabna ay ka dileen askar, laakiin tirada rasmiga ah ma aanu xaqiijin.

Dhanka falaagada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase yeeshee xaaladda deegaankii lagu dagaalamay hadda waa mid degan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com