Dhageyso:Askari Ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugidda Oo Xalay Nin Wadaad Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho…

0

Muqdisho, AGGM:Askari ka mid ah ciidamada Nabad sugida ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ku dilay wadaad ku jiray Dugsi Qur’aan.

Askar ayaa la sheegay in Wadaadkaan ay ugu galeen dugisaga oo uu dhalinyaro ugu akhrinaayay Kitaab, waxaana ay ula soo baxeen banaanka, ka dibna waxaa la sheegay in xabad la maqlay.

Ciidamadaan ayaa ah kuwa nabad sugidda ee degmada Sida uu warbaahinta gudaha dalka, u sheegay Aadan Maxamed Cumar oo ah gudoomiyaha degmada Dharkeenleey, waxaana uu tilmaamay in askariga gacanta ay ku dhigeen.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in dilkaan qaab shil ah uu ku dhacay, islamarkaana la qabtay askariga falkaan ka dambeeyay, haatanna ay wadaan baaritaano arintaasi ku aadan.

Saraakiil iyo ciidan badan ayaa saaka waxay ku sugan yihiin halka dilka uu ka dhacay, waxaana ay doonayaan inay ogaadaan in arinta dhacday shil ahayd ama in si kas ah loo dilay macalinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com