Balanballe:Nin Xoolo Dhaqato Ah Oo Lagu Dilay Deegaanka Jiicle Oo 11 KM U Jirta Degmada Balanballe.

0

Balanballe, AGGM:Wararka naga soo garaya degmada Balanballe ee waqooyiga gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in nin xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda deegmada Balanballe lagu dilay deegaanka Jiicle oo 11 km u jirta degmadaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in todoaba nin oo xoolo dhaqata ah oo kasoo jeeda degmada Guriceel ay fuliyeen dilka ninka xoolo dhaqatada ah.

Dilka ninka xoolo dhaqatada ah ayaa ku soo beegmaya iyada oo weli furimihi hore ay isku horfadhiyaan maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda Degmooyinka Balanballe Iyo Xeraale.

Maleeshiyo beeleed kasoo jeeda degmada Balanballe aya ku baxay deegaanka jiicle ee uu dilka ninka xoolo dhaqatada ah uu ka dhacay, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in lagu raad joogo 7 nin ee xoolo dhaqatada ah ee dilka geeystay.

Dhinaca kale maamulka dowladda ee gobolka Gobolka Galguduud ayaa habo yaraato’e waxba ka qaban dagaalada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyadan ee mar walba ka dhacaya deegaanada gobolkaasi, dadka deegaanada ku xeeran degmada Balanballe ayaa waxa ay aaminsan yihiin in uu maamulka gobolka Gobolka Galguduud uu qeyb ka yahay abaabulka dagaaladan u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada.

Isku soo wada duuboo sida dadka deegaanka laga soo xiganayo dagaalkan ayaa waxa uu leeyahay wajiyo badan, waana dagaal qorsheysan oo ka dhan ah dadka daga degmada Balanballe iyo deegaanada hoos yimaada.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com