Lamaanayaal Isqaba oo dab lagu gubay ilaa ay nafta ka baxdo (SABABTA)

0

Lamaane is qaba oo diinta Masiixiga heysta ayaa maanta kooxo Muslimiin ahi dhulka ku xaaqeen kadibna nolosha ku gubeen dalka Pakistan.

Lamaanahan is qabey ee Kisishtaanka ah ee ayagoo nool la gubay ayaa lagu eedeeyey in ay Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku is istaageen ayagoo ku jees jeesaya, waxa ayna falkaas foosha xun ku muteysteen in ayagoo nool dhulka lagu jiido dabadeedna deb lagu shiday.

Shilka ayaa ka dhacay magaalada Kot Radha Kishan, oo ku dhawaad 60 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Lahore.

Labada lamaane ayaa lagu kala magacaabi jiray Shamac iyo Shehzad.