Dhageyso:Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Iyo Xildhibaan Maareeye “Nicholas Kay Waxa Uu Gafwayn Ugeeystay Xildhibaanada Soomaaliyeed”.

0

Muqdisho,AGGM:Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay uu meel kaga dhacay sharafta xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo ka hadlayay qoraal dhawaan ka soo baxay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uusan ahayn mid qaata laaluush.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib daro ku sheegay in wakiil waqti ku jooga uu aflagaadeeyo Xildhibaanada Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in dhamaan eedeemaha loo soo jeediyay aanay waxba ka jirin, waxaana ay ku eedeeyeen Kay inuu hadalo ka qaato siyaasiin dano gaar ah leh, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale  Xildhibaan Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in Nicholas Kay ka warqaato amaba ku hadlo fikirka siyaasiyiin dano gaar ah leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com