Dhageyso: Isbedal Xaga Nolosha Ah Oo Laga Dareemayo Degmada Ceel-cadde Ee Gobolka Gedo.

0

Ceelcade,AGGM:Guddoomiyaha degmada Ceel-cadde ee gobalka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi, ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladda qoysaska ku dhaqan degmadaasi, ka dib saameyn deegaankaasi ay ku yeelatay abaarta gobalka ka jirtay.

Waxa uu gudoomiyaha tilmaamay in deegaanka Ceel-cadde uu ka da’ay roob ay ku diirsadeen dadka iyo deegaanka.

Waxa uu sheegay in hadda ay jiraan weli deegaanno ku dhaw Ceel-Cadde oo dadka ku nool aysan helin wax gurmad ah iyo wax roob ah.

Dowladda iyo Hay’adaha samafalka ayuu u jeediyay inay gurmad la soo gaaraan qoysaska dhiban ee u badan reer miyiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com