WAR DEG DEG AH: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Gen. Cabdirisaaq Isaaq Biixi Ilaawe…

0

Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa galabta oo ay taariikhdu tahay 04/11/2014 magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Gen. Cabdirisaaq Isaaq Biixi Ilaawe.

Allaha U Naxariistee Marxuum Gen. Cabdirisaaq Isaaq Biixi ayaa waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdi dhexe ee Soomaaliya iyo kuwii KMG ahaa waxa uu noqday Xildhibaan iyo Wasiirka Gaashaandhiga dowladdi Cabadullaahi Yuusuf.

Dhamaan bahweynta Allgalgaduud Media, maamulka iyo shaqaalaha Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Gen. Cabdirisaaq Isaaq Biixi, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Reer Isaaq Biixi, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Gen. Cabdirisaaq Isaaq Biixi, waxaan kaloo Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Gen. Cabdirisaaq Isaaq Biixi Xirsi Janadi Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Waxaa Sidoo Kale Dhambaal Tacsiyeed oo gaara Diraya

Dhamaan Jaaliyadaha Galjubba Ee Dalka Dibeddiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com