TOP NEWS:- Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa heesta Taageerada beesha caalamka

0

Khilaafka u Dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa sii xoogeesanaya , waxaana socda dadaalo ay labada dhinac ku kasbanayaan Taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba tan Beesha Caalamka.

Qoraalo ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa lagu muujiyay in ay ka xun yihiin Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha , waxa ayna ka digeen beesha Caalamka in lacago laaluush ah loo adeegsado Mooshin lagu ridayo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa u muuqda mid Siyaasad ahaan xiligan taageersan R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xulufadiisa , waxa uuna uga digay Xildhibaanada in ay diyaariyaan Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha.

Sida aan Wararka ku heleyno R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada ee Siyaasad ahaan la jira R/Wasaaraha ayaa kasbaday taageerada Beesha Caalamka , waxa ayna u gudbiyeen qoraalo ay ku muujinayaan in Madaxweynaha xagiisa ay wax ka socon la yihiin .

Xubno ku dhaw dhaw R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Kalsooni badan uu R/Wsaaaraha ka heesto Beesha Caalamka gaar ahaan Mareykanka , Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaa oon xiligan la dhacsaneyn Siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga adkaaday Dagaalka Siyaasadeed iyo kasbashada Beesha Caalamka , waxaana hada shaki la galinayaa in Xildhibaanada ay Mooshin ka gudbiyaan R/Wasaaraha.