Dhageyso:Xildhibaano Rajo Ka Muujiyay Midaynta Dhinaycada Isku Haya maamulka Koonfur Galbeed.

0

Baydhabo, AGGM: Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya kuna sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay isku keenaan dhinacyada aragti ahaan isku haya siyaasadda guud ee Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdulaahi Cabdi Garuun oo ka mid ah xildhibaanadan ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka, isaga oo jooga magaalada Baydhaba in ay isku soo dhaweyn doonaan siyaasiinta aragtida kala duwan ka qaban maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in aan hadda lagu deg degin dhameystirka shirka Sedaxda gobal ee ka socda Baydhaba si looga war sugo maamulka Madoobe Nuunoow.

In la galo wada hadal ayuu sheegay inay tahay fursadda kaliya ee hadda furan, misane lagu heli karo maamulka Koonfur Galbeed oo loo wada dhan yahay.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay in talo ahaan ay soo jeediyeen in shirka hadda socda Odayaasha ay si tartiib ah usii wataan, sidoo kalena lasii wado waan waan, sababtoo ah ayuu yiri, waxaa la qabaa rajo isku soo dhawaanshiyo ah.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com