DHAGEYSO:- Xildhibaano si kulul ugu jawaabay ergaga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya

0

Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay Qoraalkii ka soo baxay Shalay Ergayga gaarkaa ee Xoghayaha Guud QM Ban Ki-Moon u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Nikolas Kay,kaas oo ahaa in ay jiraan Xildhibaano Lacag ku badalanaya Mooshin laga wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo Warbaahinta u qariyay Qoraal ay soo saareen Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa sheegay in Danjiraha QM ee Soomaaliya uu Gaf iyo meel ka dhac u geeystay Hay’addaha Dowliga ah ee Soomaaliya islamarkaana hadalkaasi ku sheegay Nasiib daro.

Maxamed Cabdi Maareeye ayaa ku baaqay in Beesha Caalamka ay faragalinta ka joojiso Dowladda Soomaaliya oo ay Ilaaliso Dastuurka Dalka Soomaaliya u degsan,waxaana ay kay ka Codsadeen in uu Raali galin ka bixiyo hadalkii ka soo baxay.

Shalay ayaa sidoo kale Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Beesha Caalamka loogu baaqay in ay Joojiyaan faragalinta Arrimaha Soomaaliya.