DHAGEYSO:- Digniin loo jeediyay madaxweynaha iyo R/wasaaraha

0

Sheikh Bashiir Axmed Salaad, gudoomiyaha hayada culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo saareen bayaan ay kaga hadlayaan khilaafka labada masuul.

Wuxuu ku sheegay in bayaankooda ay kaga digayaan madaxda dalka in khilaafkooda uu horseedo arimo badan oo ay ugu horeyso faragelin shisheeyaha uu ku sameeyo siyaasada dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka digayaan in amni daro ay abuurto khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha jamhuuriyada Soomaaliya.