Dhacdo naxdin leh oo aad loo hadal hayo ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

War goordhaweyd naga soo gaaray Isgoyska Ex-control ee dhanka Koonfureed ka xiga Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in gaari noociisa uu yahay kuwa waaweyn ee xamuulka qaada uu fariinka goostay, kadibna galay goob maqaayad ah oo dad ay ku sugnaayeen.

Gaarigaan oo ay saarnaayeen xamuul badan ayaa wuxuu ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, wuxuuna usocday Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, hayeeshe markii uu maraayo Koontaroolka dhanka Koonfureed ee Xamar laga soo galo ayuu bareega goostay.

Goob maqaayad ah oo raashinka bisil lagu iibiyo ayuu gabi ahaanba bur-buriyay gaariga bareega goostay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo kala gaaray dadkii baabuurka saarnaa qaar iyo kuwa maqaayada ku sugnaa.

Ilaa saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 7-ruux sida uu xaqiijiyay qof kamid ah dadkii ku sugnaa madasha shilka uu ka dhacay.

Dhaawaca todobada ruux oo aad ay u darnaayeen qaarkood ayaa loola soo cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo iminka xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Ciidamada ammaanka goobta ku sugan, ayaa gacanta ku dhigay wadihii gaariga bareega goostay, waxaana hada lagu haayaa Koontaroolka laga soo galo magaalada Muqdisho dhanka Koonfureed, halkaasi oo ah goobta shilka uu ka dhacay.

Gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaado ayaa xilliyada qaar waxaa dhacda inay bareega goostaan, kadibna khasaaro badan ay gaarsiiyaan dad shacab ah.