Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo lala eegtay ciidanka AMISOM

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ciidamada Amisom ayaa qaraxyo maanta waxaa lagula eegtay xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

 

Wararka ka imaanaya Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ayaa sheegaya in ciidamada Amisom, qaraxyo lagula eegtay xaafadaasi.

Qaraxyadaan ayaa waxaa la sheegay inay yihiin miinooyinka dhulka lagu aaso oo ciidamada Amisom lala eegtay.

 

Qaraxa koowaad waxaa ciidanka lagula eegtay xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo Soos inta udhaxeysa.

 

Qaraxaasi markii uu dhacay, kadib ayaa ciidamada Amisom waxaa u soo gurmaday ciidamo ka yimid dhanka Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho, waxaana ciidamadaasi iyana qarax kale lagula eegtay xaafada Suuqa Xoolaha.

 

 

Nawaaxiga halka loo yaqaan Baar Jowhar ayaa ciidamada Amisom qaraxaan labaad lagula eegtay, waana bartamaha Xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan meel aad u mashquul badan.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Amisom markii qaraxyadaan lala eegtay ay xireen wadooyinka sidoo kalena ay rasaas xoogan ridayeen, laakiin lama oga khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.