Dhageyso: Xildhibaan Daahira Amiin Jeeswow “Dadka Kala Fikirka Duwan Ee Baydhabo Kuwada Sugan, Waa In La wada Hadalsiiyaa”…

0

Muqdisho, AGGM: Gudiga Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in leyska hor keeno shacabka wada dagan Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaana gudiga ku baaqay in la xaliyo khilaafka weli taagan.

Gudoomiye ku xigeenka Gudigaasi Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmeen shacabka dagan magaalada Baydhabo markii uu halkaasi tagay madaxweynaha oo dibad bax ka dib rasaas loo adeegsaday shacabkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu Xildhibaanku ka digay in laga shaqeeyo wax weliba oo iska hor keenaya shacabka Goboladaasi isaga oo ku baaqay in la ogaado rabitaanka shacabka, islamarkaasina laga dhabeeyo si Maamulka la sameynayo loogu qanciyo bulshada degan Gobolada Maamul Goboleedkaasi uu ka shaqeyn doono.

 Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com