Dhageyso: Siyaasi Shariif Xuseen Roobow “Khilaafka Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha Waxa Uu Caqabad Ku Noqonayaa Hiigsiga 2016”…

0

Muqdisho, AGGM: Siyaasi Shariif Xuseen Roobow ayaa sheegay in si fudud uu ku dhashay khilafka soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed xili uu sheegay in wax iska caadi ah ay tahay Ra’iisul wasaare golahiisa wasiirada isku shaandheen ku sameeya.

Shariif xuseen Roobow oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa shegay khilaafka dhawaan soo ifbaxay in saamyen uu ku yeelan doono Hiigsiga dhaw ee dowladda uu madaxweenaha ka yahay Xasan sheekh Maxamuud oo dooneysa in dalka ay ka hir geliso sanadka 2016-ka Dorasho xur ah.

Dhanka kale Siyaasigaan ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku dhisantahay hanaanka qabiilka ee Soomaalida wax ku qeysato, waxaana uu tilmaamay in xitaa laga yaabo is faham la’aanta taasi oo sababaysa in madax aan is aqoon qabiil lagu soo xulay ay isku meel ka wada shaqeeyaan, ka dibna muran uu dhex yimaado.

Rooboo ayaa sheegay in madaxda hadda is khilaafsan looga baahan yahay inay xaliyaan weax walba oo ka dhaxeeya, sidoo kalena ay eegaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com