Dhageyso: Halkuu Marayaa Shirka Lagu Dhisayay Maamulka Koonfur Galbeed 3-da Gobol.

0

Baydhabo, AGGM: Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa ka socda shir lagu dhisaayo maamulka Koonfur Galbeed, kaa oo ka arimin doona sedaxda gobal ee kala ah gobalada Bay, Shabeelaha Hoose, iyo Bakool.

Malaaq Cali Cabadiraxmaan Shiino oo ka mid ah Odayaasha ku howlan shirkaan ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha dalka in Dastuurkii loo qeybiyay Ergada, dhawaanna la meel marin doono.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay u yeerayaan xubno shirkaasi ka maqan oo aanu sheegin sababta ay u maqan yihiin.

Qoraal kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed waxaa magaalada Muqdisho loogu yeeray xubnaha ku howlan dhismaha maamulkaasi si wada tashi loo sameeyo.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com