Dhageyso: Ehelada Dad Rayid Ahaa Oo Lagu Laayay Gobolka Gedo Oo Ciidamada Kenya Ka Dalbaday Magtooda…

0

Garbahaarey, AGGM: Ehlada dad ciidamada Kenya ay ku dileen gobalka Gedo ayaa codsaday in Magta dadkoodii dhintay in la siiyo

Maxamuud Cali oo ay ehel wadaag ahaayeen dad gaaraya lix ruux oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ku dileen deegaanka Faafaxdhuun ayaa tilmaamay in illaa iyo hadda aysan jirin cid cabashadooda wax ka qabatay.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay gaarsiiyeen madaxdooda kadib markii ay waji-gabax kala kulmeen saraakiishii deegaankaasi oo uga baxay ballantii ay u dhigeen.

Dhanka kale waxaan isku daynay in aynu xiriir la sameyno maamulka gobalka Gedo iyo waxa uu kala socdo arintaan hase ahaatee ma aanay inoo suurta gelin.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com