DEG DEG:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo taageeray go’aan uu qaatay Ra’iisul wasaare C/weli

0

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa taageeray go’aannada Xukuumadda oo la xiriira in la ballaariyo dadaallada ku aadan in loo wada dhamaado gogosha shirka ergada dhisidda maamul sameynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconeysa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa sheegay inuu bogaadinayo tallaabooyinka ka soo baxay R/wasaaraha xukuumadda eek u aadan in la xoojiyo isfahamka iyo wax wada qeybsiga maamulka la doonayo in loogu dhiso magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku sugan magaalada Baydhabo dadaallada ay wadaan iyo xubnaha howshooda gacanta ku siiyey waxaana uu ugu baaqay dhammaan shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed iney mar walba ilaaliyaan xasiloonidooda ayadoo laga fogaanayo wax kasta oo qalalaase keeni kara.