DEG DEG:- gabdho Arday ah oo Muqdisho lagu dilay Saaka

0

Wararka saakay ka imaanaya Xaafadda Macmacaanka ee Degmada Dharkenley ayaa ku waramaya in Kooxo hubeysay ay Saakay Toogteen Labo Gabdhood oo Arday ah oo Ku sii jeeday Xarumahooda Waxbarasho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Kooxahaan ay ku Hubeysnaayeen Bastoolado ,Waxaana goob Gaadiidka Dadweynaha laga Raaco ayey Gabdhaha ku Dileen ,iyadoo goobta ay ku dhinteen labadii Gabdhood.

Kooxihii Dilka Geystay ayaa Goobta iskaga baxsaday ilaa iyo Hadda lama Oga Sababta ka Danbeysa dilka labada Gabdhood ee Ardayda ah.

Maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka midna kama hadlin Weerarka lagu dilay Gabdhaha Iskuuleeyda ah.