DHAGEYSO:- Meydka Taliyihii booliska oo baaritaanno caafimaad loogu qaaday Nairobi

0

Meydka Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada Muqdisho ayaa maanta loo qaaday dalka Kenya si baaritaanno loogu soo sameeyo.

Jeneraal Maxamed Cumar Madaale oo ku hadlayey magaca guddiga Aaska Qaran ee loo xilsaaray Meydka Taliyihii ciidanka Booliska ayaa sheegay in Meydka baaritaan lagu soo sameyn doono sida sharcigu qabo.

“Sida aad goob joog ka tihiin waxaa maanta Nairobi loo qaaday Meydka Marxuum Sareeyo Guuto Maxamed Ismaaciil Xasan, Taliyihii ciidanka booliska, si baaris caafimaad oo sharci ah loo marsiiyo, natiijada baarista waqti ayaa la sugayaa, Madaxda Qaranka horey ayay bulshada Soomaaliyeed uga tacsideeyeen geerida Marxuumka” ayuu yiri Jeneraal Madaale.