Baarlamaanka oo loo qeybiyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Talyaaniga

0

Kalfadhiga Shanaad kulankiisa Lixaad ee maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 149 mudane, waxaana ajandaha kulanka uu ku saabsanaa akhrinta xisaab xirka 2013 oo ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda iyo qorsheynta ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ah xoghayaha guddiga maaliyadda iyo qorsheynta ee Baarlamaanka ayaa mudenayaasha u akhriyay warbixinta xisaab xirka ay soo diyaariyeen markii xildhibaannada loo qeybiyay kaddib.

“Wasaaradda Maaliyadda oo mas’uul ka ah arrimaha maaliyadda Qaranka, Hanti dhowrka, mas’uuliyiinta Bankiga dhexe oo mas’uul ka ah Qasnadda dhexe ee dalka, Xisaabiyaha guud intaas ayaan mid mid ula kulanay oo ay wada shaqeyn fiican naga dhexeyso” ayuu yiri Xildhibaan.

Sidoo kale kulankii maanta ayaa mudanayaasha Baarlamaanka loo akhriyay heshiiskii dhanka difaaca oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo heshiiskaasi oo faah faahsan uu akhriyay xoghayaha guddiga difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Xuseen Xagaafe.

“Heshiiskii arrimaha iskaashiga difaaca ku saabsanaa ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaan helnay nuqulkii runta ahaa ee la soo saxiixay, qodob qodob markii aan isku fiirinayay heshiiska naloo soo gudbiyay ee Soomaaliga iyo kan afka-qalaad, dib u habeyn ayaan ku sameynay” ayuu yiri Xildhibaanka.

Akhrinta kaddib ayay Xildhabaannada Baarlamaanka waxa ay ka hadleen xaaladda dalka uu marayo iyo sharciyada horyaalla Baarlamaanka, waxayna codsadeen in la xoojiyo wada shaqeynta Xildhibaannada dhexdooda ah.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo soo xiray shirka ayaa sheegay in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka lagu meel marin doono xisaab xirka miisaaniyadda 2013-ka iyo heshiiska dhanka difaaca ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

“In aan meel marino xisaab xirka, waxa la meel marinayo waxa ay tahay soo jeedinta guddiga, tan kale waxaan rajeyneynaa in arrintan ay noo soo gabo gabowdo maalinta isniinta ah ee soo socoto” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad.