Top News:Ku-simaha Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Taliyihii Booliska Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM: Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ah ku-simaha madaxweynaha dalka, ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyihii ciidanka booliska Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Xasan Ismaaciil oo galabta ku geeriyooday Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka baarlamaanka ayaa tacsi loogu diray saraakiisha ciidanka booliska, dhammaan ciidanka booliska, qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday Jeneraal Maxamed Xasan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in taliyaha uu goor dhow magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xannuun deg-deg ah oo ku soo booday. Laguma shaacin qoraalka xannuunka uu marxuumka u geeriyooday.

Mudane Jawaari ayaa marxuumka Alle uga baryay inuu jannada ka waraabiyo.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com