Top News: Ban Ki-moon Oo Maanta Magaalada Muqdisho Kusoo Wajahan.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu kusoo wajahan yahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo wafdi la socda.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda diyaar garowga loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa Ban Ki-moon, iyadoo amaanka aad loo adkeeyay.

Allgalgaduud Media wararka ay helayso sidoo kale waxay sheegayaan in Moon ay wehlinayaa xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Bangiga aduunka Jim Yong Kim, iyo saraakiil kale oo Qaramada Midoobay ah.

Waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaaana socdaalkaan uu noqon doonaa markii Labaad ee Mr Moon uu yimaado magaalada Muqdisho.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com