Dhageyso: Ex Xildhibaan C/qaadir Muuse Ciiro “Khilaafka Madaxda Sare Ee Dalka Waxaa Keenay Awoodahooda Oo Aan Kala Cadeyn”.

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan hore Daahir C/qaadir Muuse Ciiro ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee madaxda sare isku khilaafeen ay tahay awooda madaxda oo aan kala saarneyn.

Waxa uu sheegay Ciiro in dalka uu u yaalo Dastuur Ku meel gaar ah, sidaa ay tahayna ay uu muuqato in dastiirka aanu awooda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kala bixinaynin.

Isku shaandheyntii uu dhawaan sameeyay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayuu ku sheegay in ay tahay mid isaga xaq uu u leeyahay shaqadiisana ay ka mid ahayd.

Khilaafyada sidaan oo kale ah ayuu sheegay Daahir Ciiro in ay kasoo daaleyn, islamarkaana ay shacabka u barteen mar tanoo kale hadii ay timaado in uu u baxo Ra’iisul wasaarayaasha.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com