Dhageyso: Culumada Ahlusunna Waljamaaca Ee Gobolka Gedo Oo Hanjabaad U Diray Falaagada Al Shabaab..

0

Garbahaarey, AGGM:Saraakiisha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Gedo ayaa u hanjabay Xarakada Al-shabaab ee weli ku sugan deegaano ka mid ah gobalkaasi.

Afhayeenka Ahlu-sunna ee Gedo Maxamed Isxaaq Al-qaadi oo u waramay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in dhawaan ay la wareegi doonaan deegaan walba oo Al-shabaab gobalkaasi ka joogaan.

Al-qaadi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku fool leeyihiin degmada Baardheere iyo deegaano kakel oo gobalkaasi waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in shacabka gobalkaasi ay ugu baaqayaan sidii ay ciidamada is garabsanaaya uga taageeri lahaayeen la dagaalanka Al-shabaab.

Weli gacanta Al-shabaab waxaa ku jirta degmada Baardheere iyo deegaano kale oo Gedo ka mid ah, inta badanna saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna waxay sheegaan in degmadaasi ay qaban doonaan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com