Dhageyso:Maxamed Cabdi Afeey “Waan Ka Xunahay Khilaafka Madaxda Sare, Waxaana Leenahay Ku Xaliya Khilaafkiina Dastuurka”.

0

Muqdisho, AGGM:Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey oo Maanta hadal ka jeediyay Shir ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka ka dalbaday in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya islamarkaana si hoose loo xaliyo.

Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in Urur Goboleedka IGAD ay ugu baaqayaan in Khilaafka Xasan Sheikh Maxamuud iyo C/wali Sheikh si deg deg ah loo xaliyo.

“IGAD weey ka xun tahay Khilaafka Labada Mas’uul ka dhextaagan,waxa la isku hayo waa Arrimo yar ee Dastuurka dalka halagu xaliyo:ayuu yiri Afeey.

Isku soo wada duuboo Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo mudo soo jiitamayay ayaa soo Shaacbaxay 25-kii Bishaan kadib markii Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Iskushaandheeyn lagu sameeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com