DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo u duulay Baydhabo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,halkaa oo lagu wado in Madaxweynahu uu ka furo Shir lagu dooranayo Hogaanka Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka,kuwaas oo Maalmo ka hor gaaray Baydhabo.

Afhayeenka Gudiga Maamul u sameeynta Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose Siyaad Sheikh Daahir  ayaa sheegay in Shirka uu shalay dib u dhacay islamarkaana maanta uu furmayo.

Siyaad Sheikh ayaa sheegay in Shirka uu furayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh oo maanta gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sidoo kale Shirka furitaankiisa ka dib ayaa lagu wadaa in Ergooyinka ay Ansixiyaan Dastuur uu yeesho maamulka Koofur Galbeed ee Dalka,iyadoona sidoo kale Baydhabo ay joogaan Garab kale oo ah Garabka Lixda Gobol,kuwaas oo ka soo horjeeda sida ay wax u socdaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka