Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/W oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Marxuum Bile oo kamid ahaa hawl-wadeennada Xafiiska.

0

Muqdisho, 27, Oct, 2014.. Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdiqaadir Cabdi Faarax iyo dhammaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Maxamed Axmed Bile oo kamid ahaa howl-wadeenada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, marxuumka oo ku geeriyooday xalay dalka Malaysiya.

Hadaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida marxuumka, ayaa waxaan alle uga baryaynaa in uu jannaadiisa ka waraabiyo.

“ Innaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaan tacsi u dirayaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Axmed Bile oo xalay ku geeriyooday dalka Malaysiya, marxuumku wuxuu kamid ahaa xubnaha fir-fircoon ee ka shaqaynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha gaar ahaan waaxda IT-ga, waxaan alle uga baryaynaa in uu jannaadiisa ka waraabiyo” ayuu yiri Mudane Cabdiqaadir Cabdi Faarax.

—DHAMMAAD—

Ahmed-Nur Mohamed 

Warbaahinta Xafiiska R.W 
Mogadishu-Somalia 
Tel: +252-6155-02546 
Tel: +252-6988-88022 
Twitter 
Facebook

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com