DHAGEYSO:-Xasan Sheekh” “Dowladdu waqti kordhin ayay u sameysay cafiska Al-Shabaab”.

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay xaflad lagu weynayay guulaha ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen howlgalka badweynta Hindiya, kaasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaadhigga ee magaalada Muqdsiho ayaa sheegay in dowladdu ay waqti u kordhisay cafiska loo sameeyay maleeshiyaadka ka soo goosanaya Ururka Shabaab.

Munaasabadda ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman Sidikou, Taliyaha ciidanka AMISOM Silas Ntigurirwa iyo marti sharaf kale.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay intii uu socday howlgalka badweynta Hindiya ay ciidamadu ku guuleysteen gacan ku dhigidda magaalooyin dhowr ah, oo ay ka midyihiin Baraawe, Jala-laqse, Buulo-mareer, Cadale, Kudhaa iyo kuwa kale.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo guuto Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” ayaa tilmaamay in howlgallada lagula dagaalamayo maleeshiyada Al-Shabaab ay bar bar socdeen dib u dhiska ciidanka, ayna sii wadayaan xoojinta dib u dhiska ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xiray ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ahmiyadda koowaad siineyso ciidanka, isla markaana ay xoogga saari doonto ka warqabkooda guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in muddo lixdan cisho ah loogu kordhiyay waqtigii ay dowladdu u qabatay dagaalyahanada Shabaab ee isku soo dhiibaya gacanta ciidamada xoogga dalka, waxaana uu xusay in dhalinta ay qaldeen Al-Shabaab ay markale haystaan fursado ay isku soo dhiibi karaan.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed guulaha ay ka soo hooyeen howlgallada dib gacanta dowladda ay ugu soo celiyeen deegaanno dhowr ah, waxaana uu ku booriyay in ay sii labo jibaaraan howgalkaasi dib gacanta dowladda loogu soo celinayo deegaannada Al-shabaab wali gacantooda ku jira.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka waxa uu kormeer ku tegay cisbitaalka ciidanka xoogga dalka, halkaasi oo lagu dabiibo ciidamada ku dhaawacma howlgallada ka dhanka ah Shabaab, isagoo warbixinno ka dhageystay maamulka iyo howlwadeenada cisbitaalka.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com