Xog:R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Warqad Canaan Ah Dowladda Itoobiya Usoo Dirtay.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ay soo gaartay warqad uga timid dowladda Itoobiya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta xafiiska R/wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed ay soo gaartay warqad canaan ah uga timid dowladda Itoobiya, taa oo ay ku qorneed inuu dib uga laabto qorshihiisa isku shaandheen ee golaha Wasiirada, islamarkaana uu taaban karin Wasiirada cilaaqaadka dhow la leh dowladda Itoobiya.

Ilo wareedkeenan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Wasiirka Wasiir Cadaaladda iyo arimaha Dastuurka xukuumada Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir Maxamed uu kamid yahay Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ee xiriirka dhow la leh dowladda Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa maanta dhamaan Wasiiradi la isku shaandheeyay ay u wateen shaqadooda si caadi ah kadib marki ay soo gaartay warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeyn amaba la saadaalin karin halka uu saldhigan doono khilaafkan u dhexeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, maadaama Mas’uuliyiinta kale ee dowladda iyo bulshowaynta Soomaaliyeed ay ka falanqoonaya Khilaafkan ay koox walba aaminsan yihiin sida ay jecel yihiin islamarkaana u dhigaya in natiijada saxda ah ee xalinta khilaafka sida uu ku danbeyn doono ay noqon doonto mida ay iyagu aaminsan yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com