Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas Oo Qadka Telefoonka Kuwada Hadlay Iyo Durba Gorgortan Biloowday.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas ay kuwada hadleen qadka telefoonka.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Labadan Mas’uul ay kawada hadleen khilaafka ba’an ee ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha dowladda Federaalka iyo sida xal loogu helo karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku adkeesanayaa in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed aysan wada shaqeeyn dambe isugu harin uuna doonayo in uu baneeyo xafiiska.

Ilo wareedkeena ku sugan xarunta Villa Somaliya ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijinayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu balan qaad usameeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo ku aadan hadii R/wasaare Cabdiwali Sheekh baneeyo xafiiska R/wasaarenimo shaqsiga noqonaya R/wasaaraha cusub.

Dhinaca kale waxaa jira xubno kasoo jeeda beesha Sade oo uu ka dhashay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo iyagan u xusul duubaya inay badalaan oo ay noqdaan R/wasaaraha Cusub.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin halka ay sal dhigan doonto xaaladan cakiran ee ka dhex taagan Madaxda Sare ee Dowladda, balse waxaa hubaal ah lagana xaqiijiyay afkooda in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh wada shaqeeyn isugu harin, xataa haddii khilaafkooda la xaliyo aysan jiri doonin  wax dambe oo ay isku aaminaan….

Xasan-Sheekh-Gaas-iyo-Cabdiweli-Sheekh

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com