DEG DEG:- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo isku day dil ka bad baaday

0

 Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaawacay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan Gobolka Banaadir,kadib markii Koox Hubeeysan ay Weerar ku soo qaadeen.

Xildhibaanka ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay C/llaahi Rooble,waxaana uu ka mid ahaa Xildhibaano Shan ah oo Maalmo ka hor lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda oo Gaari Nuuca Raaxadaa watay ay Weerarka ku qaadeen Xildhibaan C/llaahi,waxaana Dhaawac uu ka soo gaaray Weerarkaasi.

Qof Goobjooge ah  ayaa sheegay in Xildhibaanka Kooxda Weerarka ku qaaday ay Gaari ku Horjareen kadibna ay rasaas huwiyeen.

Sidoo kale Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka ayaa Noo xaqiijiyay Dhawaca Xildhibaanka maanta isku dayga Dilka ah ka badbaaday.