DHAGEYSO:- Halkuu marayaa qorshaha maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.?

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ka hadlay halka uu maraayo qorshaha ku aadan dhismaha maamul Goboleedka Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

 

C/fataax Xasan Afrax ayaa wuxuu sheegay in qorshaha dhismaha maamul Goboleedka Hiiraan iyo Sh. Dhexe uu maraayo meel aad u wanaagsan marka loo eego kulamada wadatashiga ee socda oo ku aadan dhismaha maamulkaasi.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, ayaa wuxuu ka hadlay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo saameynta dadka shacabka uu ku yeeshay.

 

Mr Afrax ayaa tilmaamay in dad badan ay ka barakaceen Magaalada Beladweyne oo saameeyay fatahaada wabiga uu ka geystay Magaalada Beladweyne.

 

 

Dalka Soomaaliya ayaa hada waxaa ka socda nidaamka federaalka oo Gobolada dalka waxa ay u kala googo’ayaan hanaan ku aadan Federaalka oo maamul Goboleedyo ayeey dhisanayaan Gobolada dalka.