YAAB: Gabdho Soomaali Ah Oo La Qabtay Iyagoo Doonaya Inay Ku Biiraan Kooxda Argagixisada Ah Ee Daacish.

0

Denver,AGGM:Labo gabdhood oo Soomaali Maraykan ah ayaa dib ula midoobay qoyskooda oo ku nool magaalada Denver, Colorado ee dalka Maraykanka kadib markii la waayay gabdhahan jimcihii aynu ka soo gudubnay.

Qoyska gabdhahan iyo dad kale oo arrimahooda wax ka ogaa ayaa sheegay in gabdhahan ay diyaarad u raaceen dalka Jarmalka iyadoo aysan waalidkood ogeyn iyadoona Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay gabdhahaan laga dhex raadinayay gudaha dalka Maraykanka,

Hase yeeshee labadan gabdhood oo 15jir iyo 16 jir ah iyo gabar kale oo asalkeedu yahay Sudan ayaa lagu soo qabtay garoonka dayuuradaha magaalada Frankfurt dalka Jarmalka kadib markii ay xiriir sameeyeen ciidamada dalka Maraykanka iyo kuwa Jarmalka.

Seddexdan gabdhood ayaan la ogeyn halka ay ku sii jeedeen balse mid ka mid ah gabdhahan ayaa u sheegtay booliska dalka Jarmalka in ay ujeedkoodu ahaa in ay gaaraan dalka Turkiga si ay wax ugu soo bartaan. Balse waalidiinta carruurtan dhashay ayaan weli ka hadal sababta keentay in ay ugu safraan dalka Jaramalka iyagoo aan laga warqabin.

Si kasta ha ahaatee gabdhahan ayaa waxa ay dib ula midoobeen waalidkood mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dambiyada ee dalka Maraykanka.

Gabdhaha asalkoodu yahay Somali balse haysta dhalashada wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa waxa ay bilaabeen in ay ku biiraan maleeshiyaadka IS ee ka dagaalama wadamada Ciraq iyo Siiriya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com