Dhageyso+Sawirro: Puntland oo Maanta Dil Toogasho ah Fulisay.

0

Waxaa maanta maxkamadda dambiyada culus ee gobalada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylan iyo Gardafuul ay xakun dil ah ku fulisay nin dilay sarkaal ka tirsan Punland

Ninka lagu fuliyey xakunka qisaasta ah ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad Warsame Saxar, waxa uuna dilay marxuum Cabdullaahi Faarax Gaacshe oo ahaa taliyaha ciidanka booliska degmada Rako ee gobalka Karkaar

Waxaa ku sugnaa goobta ay ka dhacday xakunka qisaasta taliyaha qeybta booliska gobalka Bari, gudoomiyaha maxkamadda dambiyada culus, ehelada laba marxuum iyo saraakiil

Gudoomiyaha maxkamadda C/fitaax Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa shegay in qof kasta oo qof dilay ay u fiican tahay in laga rogo xaqa.

 

58 67 216 312