DAAWO:- Jaaliyada Uk iyo XIldhibaano soo dhoweeyay shirka Garbahaarey ka socda ee Midnimo One

0

Kulan ballaaran oo lagu taageerayo Shirweynaha aaya-tashiga midnimo 1 ee ka socda magaalada Garbahaarey ayaa abbaarihii 6 maqribnimo, maalintii Sabtida ahayd oo ku beegan 18.10.2014 ka dhacey magaalada Leicester ee waddankaan Ingiriiska.

Kulankaan oo ahaa mid si heer-sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qeyb-galey qaar kamid ah qeybaha kale duwan ee Jaaliyadda Beesha Sade ee waddankaan UK.  Waxaanna kulankaan goob-jooge ka ahaa oo Jaaliyadda kala qeyb qaatey laba kamid ah xildhibaanada Dawladda Fedaraalka ah ee Beesha Sade, kuwaasoo kala ah: Xil. Nuur Faarax Jaamac ( Baadiyoow) iyo Xil. Cabdullaahi Yuusuf Xasan ( Alankeey).

Waxaanna ugu horeyntiiba halkaas ka hadley qaar kamid ah Jaaliyadda Beesha Sade ee ka qeyb-galey kulankaas, kuwaasoo si fiican u cabirey mowqifkooda ku aadan Shirweynaha Midinimo, waxaanna dhammaantood ay halkaas ka sheegeen in ay taageero aan qiyaas lahayn u hayaan Shirweynahaas midnimo ee haatan ka furmey magaala madaxda Gobalka Gedo ee Garbahaarey.

Ma’ahayn wax qalin lagu soo wada koobi karo, isla markaana mid-mid loo xusi karo dad badan oo halkaas afkaartooda ku soo bandhigey, hase yeeshee waxaa ugu dambeyn hadalka lagu soo dhaweeyey Xildhibaanada Beesha Sade ee kulankaas martida ku ahaa.

Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan ( Alankeey) oo ugu horeyntiiba halkaas ka hadley ayaa mahadnaq ballaaran usoo Jeediyey Jaaliyadda Beesha Sade ee reer UK,  asagoo oga mahadnaqey sida sharafta leh ee ay usoo dhaweeyeen iyo taageerada fiican ee ay ka muujiyeen Shirweynaha midnimo ee ka socda magaalada Garbahaarey.  Hadal yar oo kooban oo uu dhinacyo badan taabanayey oo Xil. Alankeey halkaas ka yiri kadib, ayuu hadalka kusoo dhaweeyey Xil. Nuur Faarax Jaamac ( Baadiyoow), kaasoo halkaas looga dhegeystey warbixin dheer, taasoo ahayd midaan qoraal lagu soo koobi karin.

Waxaa Xil. Baadiyoow uu halkaas ka sheegey in Xildhibaanada Beesha Sade Dhammaantood ay ku mideysan yihiin qabashada Shirweynaha midnimo, kasoo Sanad ka hor ay xildhibaanada Beeshu isku wada raaceen in la qaban doono.

Waxaa sidoo kale uu Xildhibaanku halkaas ka sheegey in ay aad mihiim u tahay in shirweynuhu uu noqdo mid najaxa oo mira dhal ah, kaasoo keena isbedel weyn oo waxtar leh.  Waxaa sidoo kale xildhibaanku halkaas ka sheegey inuu kamid ahaa ergadii wax ka furey shirweynaha midnimo.

Waxaa Xil. Nuur Baadiyoow uu jaaliyadda ku Booriyey in taageerarada ay u hayaan shirweynaha midnimo aaney ku ekaan af oo kaliya ee ay noqoto mid cilmiyeed, mid siyaasadeed, mid dhaqaale , Iwm. Isla markaana ay taageeradu noqoto mid wax bedasha.

Waxaa sidoo kale hadalkii Xil. Nuur Faarax laga xusi Karaa in Shirweynahaas oo ah kii koowaad uu yeelan doono mid labaad iyo mid Saddexaadba, loona baahan yahay in loogu yeero ama ay kasoo qeybgalaan dadka kale ee wax ka dego Gobalka Gedo iyo gobalada kale ee jubbooyinkaba.

Run ahaantii hadalkaas dheer ee Xildhibaan Baadiyoow ma ahayn wax qalin afkiis lagu wada koobi karo, hase yeeshee ugu dambeyntii waxaan ka xusayaa inuu Xildhibaanku sheegey in Shirweynaha midnimo aanu marnaba ahayn mid ku xadgudbayo xuquuqda dadka kale ee wax ka daga deegaanka Jubbooyinka ee uu yahay mid xambaarsan laba ujeeddo oo aad u waaweyn.

1). In la helo qorshe siyaasadeed oo caddaalad ku saleysan oo ay Beesha Sade yeelato

2). Iyo in Shirweynahaas ay ka soo baxaan sida ugu habboon ee aan ula dhaqmi karno dadka kale ee nugula nool deegaanada Jubbooyinka.

Waxaa xildhibaanadii labada ahaa iyo dhammaan jaaliyaddii ka qeyb gashey kulankaanba ay si qushuuc ku dheehan oga tacsiyeeyeen dhammaan dadkii ku geeriyoodey qaraxii dhawaan ka dhacey magaalada Muqdisho, waxaanna ay si gaar ah ugu baroor-diiqeen laba kamid ah dhaqaatiirta Beesha Sade oo qaraxaas ku naf-waayey, kuwaasoo kala ahaa:

1 2 3 4 5 6