Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Gubay Tuulo Ku Taal Duleedka Degmada Buula Burde..

0

Buula Burde,AGGM: Wararka ka imaanaya Degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Ururka Al Shabaab ay Gubeen Tuulo ku taallay duleedka Degmadaasi.

Gudoomiyaha Maamulkada Dawlada ee Degmada Buula burde C/casiis Duuroow ayaa saxaafada usheegay in dhowr guri oo Tuulada ku yaallay ay Shabaabku dab qabad siiyeen iyagoo sidoo kale dilay wiil ka mid ahaa dadka tuuladaasi deggenaa.

Cabdicasii Duroow ayaa ku sheegay falkaasi foosha xun mid ay Al Shabaab caado ka dhigteen iyaguna markii ay warkaasi maqleen ay ciidamo udireen tuulada oo ay ka ceyriyeen goobtaasi shabaabka sida uu gudoomiye Duuroow sheegay.

Al Shabaab kama aysan hadlin Eedeyntaan loo jeediyey inay Gubeen Tuulada Gooliga ee ku taalla Duleedka Degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan iyo dilka Wiil ka mid ahaa dadka Tuuladaasi deggenaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com