Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka WABXO Ee Gobolka Galguduud..

0

Dhuusamareeb, AGGM: Wararka naga soo gaaraya gobollada dhexe Soomaaliya gaar ahaan deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidammada AMiSOM iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaaladan oo xalay saqdii dhexe bilowday ayaa soo gaaray ilaa maanta gelinkii hore, iyadoo la soo sheegayo in wali deegaanka rasaas ka socoto.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro dhimasho iyo dhaawac fara badan oo ka dhashay dagaalka, oo soo kala gaarta dhinacyada dagaalamayay.

Isgaarsiinta deegaanka Wabxo ayaa la sheegay inay hawada ka maqan tahay, waxaana adag in la helo faah faahin rasmi ah oo dagaalka ku saabsan, iyadoo warar laga helayo Guri-ceel ay xaqiijinayaan in dagaalada ay wali ka socdaan Wabxo.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka uu xoogiisa uu soo gaba gaboobay, isla markaana inta badan deegaanka ay u gacan gashay, iyadoo warkan lagu soo qoray boggaha internet-ka ee afkooda ku hadla.

Ma jirto war madax banaan oo xaqiijinaya warkaas, ha yeeshee waxaa la sheegayaa in dagaalada ka dhacay deegaanka ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa ee gobolka ka dhaca.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku hayeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Galgaduud, iyadoo maalmo ka hor ku dagaalamay deegaanka Ceel Garas iyo Ceel La helay.

Deegaanka Wabxo ayaa dhanka koofur kaga beegan Ceelbuur ilaa 40-KM, waxaana horay deegaankaas loogala wareegay Al-Shabaab, deegaankan ayaa istiraatiiji u ah isku xirka Guriceel iyo Ceelbuur, halkaasoo ay sahayda u marto ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ceelbuur.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com